Author Archives: yabaal

Maxaa ka cusub Somaaliya?

Somaaliya waxaa ka dhalatay dowlad cusub. Waxaan is leeyahay waa ey ka raja wanaagsantahy dowladihii hore. Waxaan ka codsanaayaa shacabka soomaaliyeed iney la shaqeeyaan dowladda.

Dowladda maka dhabaa iney ammaanka Muqdisho wax ka qabato?

Maalmahan waxaa soo korday amni darro ka jirta Muqdisho. Maxey dowladda qabatay?
Dowladnimada waa in awood iyo kala dambeyn ey jirtaa, qof kastana lagula xisaabtamo shaqada loo diray. Haddaba waxaa muuqata in nidaamka dowliga ah uusan ka shaqeyn magaalada Muqdisho. Dadka amniga ku shaqada leh waa gabeen howshooda. Marka waxaa loo baahanyahay qofka hadaanu ka soo bixi karin shaqadiisa in laga fariisiyo si loo helo xasillooni.

Soodhaweyntii safiirka Turkiga wakiilka uga ah Somalia

Soo dhaweyn aad usarreysa ayaa Soomaalida London usameeyeen Dr Kani Torun.xaflada soodhaweynta ayaa lagu qabtaymagaald London.

Qadaafi 2

Qadaafi Mosque

Diyaaradda Turkiga oo bilaabeysa duullimaad Muqdisho`

Shirkadda diyaarada Turkish Airline ayaa iclaamisay iney belaabeyso duulimaad ay ku tageyso Muqdisho usbuuci laba jeer. Duullimaadka ugu soo horreeyo ayaa ku beegan 6 Maarso.

Sanad wanaagsan dhamaan

Sanad wanaagsan dhammaan umadda Soomaaliyeed, meelkastoo aad joogtaanba.

Turkish Airlines oo’ u duuleysa Mogadishu

Turkish Airlines ayaa lafilayaa iney bilaawdo labo duullimaad maalintiiba.
Duullimaadyadaan ayaa bilaaban doon bisha Janaayo 2012.
Wixi kusoo kordha arrintan dib ayaan idinkala socodsiin doonnaa.

Khubaro Turki ah oo kusoo fool leh Soomaaliya

Khubaro Turkia ah ayaa lagu wadaa goor dhaw iney soo gaaraan Soomaaliya si ey ugu helaan xal waara arrimaha Soomaaliya.
Wafdigan oo gaaraya ilaa 170 xubnood oo isugu jira heyado kala duwan iyo war fidiyeenno ayaa lagu wadaa in Isniinta ay u duulaan Muqdisho ayadoo ujeedadooda tahay iskaashi caalami ah oo turkiga la yeelato Soomaaliya.
Wafdiaga uma imaanayo Soomaaliya kaliya iney gargaarka gacan ka geystaan balse waxaa ula jira iney xal u helaan sidi xal loogu heli lahaa dhibaatad ka jirta dalka.
Heyadaha diraya Khubarada waa kamid ah Wasaaradda Degaanka iyo iyo magaaleynta, Arrimaha Debadda, Cuntada, Beeraha iyo Taranka xoolaha, Dhirta iyo Biyaha, Isgaarsiinta, Caafimaadka, Arrimaha Diinta, Maamulka Musiibooyinka iyo Arrimaha degdegga ah, Guriyeynta iyo Bisha Cas ee Turkiga.
Gargaarka Turkiga ee Soomaaliya waxaa lagu saleyn doonaa sidatan. Beeraha iyo kobcinta xoolaha, caafimaadka, cuntada, magaaleynta, hoy dib u dejin, isgaarsiin biyo si sahal ah loo heli karo iyo cuntada deg degga ah.
Projectigan waax soo diyaariyay Turkish International Cooperation and Development Agency (TIKA).

Booqashadi Raisulwasarah Turkiga


Turkish PM visits famine victims in Somalia by euronews-en