Monthly Archives: September 2011

Khubaro Turki ah oo kusoo fool leh Soomaaliya

Khubaro Turkia ah ayaa lagu wadaa goor dhaw iney soo gaaraan Soomaaliya si ey ugu helaan xal waara arrimaha Soomaaliya.
Wafdigan oo gaaraya ilaa 170 xubnood oo isugu jira heyado kala duwan iyo war fidiyeenno ayaa lagu wadaa in Isniinta ay u duulaan Muqdisho ayadoo ujeedadooda tahay iskaashi caalami ah oo turkiga la yeelato Soomaaliya.
Wafdiaga uma imaanayo Soomaaliya kaliya iney gargaarka gacan ka geystaan balse waxaa ula jira iney xal u helaan sidi xal loogu heli lahaa dhibaatad ka jirta dalka.
Heyadaha diraya Khubarada waa kamid ah Wasaaradda Degaanka iyo iyo magaaleynta, Arrimaha Debadda, Cuntada, Beeraha iyo Taranka xoolaha, Dhirta iyo Biyaha, Isgaarsiinta, Caafimaadka, Arrimaha Diinta, Maamulka Musiibooyinka iyo Arrimaha degdegga ah, Guriyeynta iyo Bisha Cas ee Turkiga.
Gargaarka Turkiga ee Soomaaliya waxaa lagu saleyn doonaa sidatan. Beeraha iyo kobcinta xoolaha, caafimaadka, cuntada, magaaleynta, hoy dib u dejin, isgaarsiin biyo si sahal ah loo heli karo iyo cuntada deg degga ah.
Projectigan waax soo diyaariyay Turkish International Cooperation and Development Agency (TIKA).